Jigjiga (Dawan)– Maamulka magaalada Jigjiga, caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa qorshaynaya inuu sannadkan ururiyo 8 bilyan oo birr, oo u dhiganta ku dhowaad 48 milyan oo doollar, si loogu maalgeliyo mashaariic horumarineed, sida uu sheegay duqa magaalada.
Duqa Jigjiga, Shaafi Axmed Macallin, oo Khamiistii la hadlay Telefishinka Dowladda Deegaanka ee SRTV Somali, ayaa sheegay in ururinta cashuurtu ay laf-dhabar u tahay adeegyada uu maamulku bulshada u qabto.
“Ma jirto dal, deegaan ama waddan ku horumaray deyn iyo deeq,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in hirgelinta mashaariicda biyaha iyo dhismaha waddooyinku ay u baahan yihiin miisaaniyad ku filan.
Duqa ayaa sheegay in Jigjiga ay ka mid tahay magaalooyinka sida xawliga ah u koraya ee Itoobiya iyo Geeska Afrika. Wuxuu xusay in sannadkii hore la bixiyay oggolaanshaha dhismaha in ka badan 5,400 oo guri, kuwaas oo in ka badan 250 ka mid ahi yihiin dhismayaal dabaqyo badan leh oo qaarkood gaarayaan ilaa 15 dabaq. Waxa kale oo uu sheegay in baaxadda dhulka ay magaaladu ku fidsan tahay ay shantii sano ee la soo dhaafay ka korodhay 7,000 hektar isla markaana gaartay 14,000 hektar.