Jabuuti (Dawan)– Jabuuti ayaa Khamiistii si rasmi ah u aasaastay adeegga gargaarka degdegga ah ee caafimaadka (SAMU), kaas oo loogu talagalay in bukaannada xaaladaha degdegga ah ku jira la gaarsiiyo daryeel caafimaad, meel kasta oo ay dalka ka joogaan.
Wasiirka Caafimaadka, Muna Cismaan Aadan ayaa sheegtay in ujeeddada adeeggan ay tahay “in bukaanka la geeyo isbitaalka marka xaaladdiisa caafimaad ay sidaas u baahato.” Adeeggan ayaa ku shaqayn doona isku-dubbarid caafimaad, kooxo gurmad oo goobaha u baxa iyo gaadiid ku habboon. Wasiirku waxay sheegtay in adeeggu ku dhisan yahay saddex ballanqaad oo kala ah joogitaan , u adkaysiga xaaladaha masiibooyinka iyo xaqiijinta sinnaanta adeegyada caafimaadka ee dhammaan gobollada dalka.
“Muwaadin Jabuuti ah waa inuusan fursad yar u helin badbaado sababtoo ah wuxuu ku nool yahay meel ka fog isbitaal,” ayay tiri.