Muqdisho (Dawan)- Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii diiday go’aan ay soo saareen shan garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare, kaas oo lagu sheegay in muddo-xileedka madaxweynaha, baarlamaanka iyo xukuumadda federaalku dhammaaday. Xafiiska ayaa ku dooday in go’aankaasi uusan lahayn wax saamayn sharci ah.
Go’aanka oo la soo saaray Khamiistii ayaa ka dhashay dacwad uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ka gudbiyay dowladda federaalka, isaga oo ka soo horjeeday wax ka beddelka lagu sameeyay Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee 2012 iyo kordhinta muddo-xileedka hay’adaha la doortay.
Garsoorayaashu waxay diideen qaybta dacwadda ee ku saabsan dastuurnimada habraaca wax ka beddelka dastuurka, iyaga oo sheegay in dacwooduhu uusan lahayn sifo sharciyeed uu arrintaas dacwad kaga furo. Hase yeeshee, waxay aqbaleen qaybta ku saabsan muddo-xileedka hay’adaha dowladda, iyaga oo go’aamiyay in muddada xilhaynta hay’adaha federaalku tahay afar sano.
Go’aanka ayaa lagu sheegay in muddo-xileedka labada gole ee baarlamaanka iyo xukuumaddu uu ku ekaa 14-kii Abriil 2026, halka muddo-xileedka madaxweynuhu uu ku ekaa 15-kii Maajo 2026. Waxa kale oo lagu sheegay in tallaabooyinka ay hay’adahaasi qaadeen muddadaas kaddib aysan lahayn sal sharci, isla markaana xukuumaddu tahay xukuumad xilgaarsiin ah oo ku kooban gudashada hawlaha maalinlaha ah.
Garsoorayaashu waxay dhammaan dhinacyada ay khusayso arrinta doorashadu ku amreen inay 30 maalmood gudahood ku gaaraan heshiis ku saabsan hannaan doorasho oo loo dhan yahay, doorashadana lagu qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.