Jabuuti (Dawan) – Ugu yaraan 139 qof ayaa ku dhimatay, halka 84 kalena la la’yahay, kadib markii doon sidday 305 qof ay ku degtay xeebaha Obock ee dalka Jabuuti, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM). Masiibadan ayaa ka mid ah shilalkii badeed ee ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca xeebaha dalkaas.
Doonta oo ka ambabaxday Jabuuti kuna sii jeedday Yemen ayaa ku degtay meel u dhow deegaanka Guhere, waqooyiga magaalada dekedda leh ee Obock, habeenkii u dhexeeyay 8-da iyo 9-ka Oktoobar, sida ay sheegeen dadkii ka badbaaday shilka.
IOM ayaa markii hore sheegtay in 109 qof, oo ay ku jiraan 15 carruur ah, ay dhinteen, halka in ka badan 116 qofna la la’aa. Hay’addu markii dambe ayay tirada dhimashada ku sheegtay 139 qof. Mas’uuliyiinta ayaa ka cabsi qaba in tiradu sii korodho, maadaama xogta hadda la hayo ay ku salaysan tahay meydadka la helay oo ay mas’uuliyiinta Jabuuti aaseen.
In ka badan 80 qof ayaa ka badbaaday shilka, dhammaantoodna waa Itoobiyaan, sida ay sheegtay IOM. Hay’addu waxay 64 ka mid ah dadka badbaaday ku daryeelaysaa Xarunta Jawaab-celinta Muhaajiriinta ee Obock, iyadoo siinaysa adeegyo caafimaad, hoy ku meel gaar ah, cunto iyo kaalmo ay kula xiriiraan qoysaskooda.