Baydhabo (Dawan ) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay dib u dhac ku yimid jadwalka doorashooyinka, iyadoo la kordhiyay muddada soo gudbinta liisaska musharraxiinta, isla markaana dib u habeyn lagu sameeyay maalmaha doorashada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.
War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kadib wadatashi uu guddigu la yeeshay madaxda ururrada siyaasadda, si loo qiimeeyo caqabadaha jira loona hubiyo in geeddi-socodka doorashooyinku noqdo mid hufan oo waafaqsan sharciga.
Sida lagu sheegay bayaanka guddiga, muddada kama dambaysta ah ee soo gudbinta liisaska musharraxiinta ayaa laga dhigay 5-ta May 2026, si ururrada siyaasadda loo siiyo waqti dheeraad ah oo ay ku dhammaystiraan shuruudaha looga baahan yahay.


