Baydhabo (Dawan) – Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay in 28-ka Abriil laga qaban doono Koonfur Galbeed doorashooyin isku sidkan oo isugu jira baarlamaanka dowlad goboleedka iyo golayaasha deegaanka, iyadoo la dardargelinayo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa shaaciyay taariikhdaas kadib booqasho uu ku tagay magaalada Baydhabo maanta oo Isniin ah, isaga oo sheegay in doorashadu ay ka dhici doonto degmooyin dhowr ah.
Doorashooyinka ayaa laga qaban doonaa 11 degmo oo ka kala tirsan saddex gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose sida uu sheegay guddiga doorashooyinka. Degmooyinkaasi ayaa kala ah Bardaale, Baydhabo, Qansaxdheere, Diinsoor iyo Buurhakaba, Xuddur ,Waajid, Wanlaweyn, Afgooye, Baraawe iyo Marka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dib looga furi doono diiwaangelinta codbixiyeyaasha Baydhabo iyo Xuddur muddo 10 maalmood ah, kadib codsi ka yimid ururrada siyaasadda si fursad loo siiyo dad badan inay is diiwaangeliyaan.


