Jigjiga (Dawan)— Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa qorsheynaya inuu adeegga hal-goob ee MESOB ku fidiyo dhammaan maamul-magaalooyinka iyo 85 degmo, iyadoo dowladdu ay sheegtay in nidaamku fududeyn doono helitaanka adeegyada dadweynaha.
Qorshahan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka ee lagu casriyeynayo adeeg-bixinta dowladda iyo in adeegyo kala duwan oo ay bixiyaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay lagu mideeyo hal goob, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda deegaanka ee SRTV. Khamiistii
MESOB, oo ah adeegga hal-goob, wuxuu muwaadiniinta u oggolaanayaa inay adeegyo kala duwan ka helaan hal xarun halkii ay u kala safri lahaayeen xafiisyo badan. Nidaamka waxaa sidoo kale lagu darayaa adeegyo dijitaal ah oo loogu talagalay in lagu yareeyo waraaqaha, safafka iyo waqtiga lagu bixiyo helitaanka adeegyada.
Xarunta Somali-MESOB ee Jigjiga ayaa la daah-furay bishii December 2025, iyadoo wejigeedii hore lagu mideeyay sagaal hay’adood oo dowladeed oo bixiyay 32 adeeg hal meel.
Adeegyada MESOB guud ahaan waxaa ka mid noqon kara adeegyada aqoonsiga, diiwaangelinta iyo ruqsadaha ganacsiga, adeegyada dakhliga iyo canshuuraha, adeegyada maaliyadda, adeegyada maalgashiga, xaqiijinta dukumentiyada iyo adeegyo kale oo dowladeed.