Jigjiga (Dawan) – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah xarigga uga jartay mashruuc weyn oo biyo-gelin ah oo laga hirgeliyay degmada Baarey ee gobolka Afdheer, kaas oo ay ku baxday lacag dhan 357 milyan oo birr, una dhiganta ku dhawaad $2.284 milyan, sida uu sheegay SRTV Somali.
Munaasabadda xarig ka jarista mashruuca , waxaa kasoo qeyb galay madax iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Deegaanka Soomaalida, oo ay kamid yihiin madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo laanta Deegaanka Soomaalida Eng. Maxamed Shaale Isaaq, Wasiirka Xafiiska Biyaha Eng. Axmed Miraad Layli, Wasiirka Maaliyadda Dayib Axmednuur, Wasiirka Cadaaladda Maxamednaaji Maxamed, iyo masuuliyiin kale.
Waxaa sidoo kale munaasabadda ka qeyb galay wakiillo ka socday hay’adda UNICEF, maamulka gobolka Afdheer, maamulka degmada Baarey iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.


