Garoowe (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniintii Madaxtooyada ku shir-guddoomiyay kulan wadatashi oo ay ka qaybgaleen goleyaasha Puntland iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland, kaas oo looga hadlay wax-ka-beddelka sagaal qodob oo ka mid ah Dastuurka Puntland.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Axmed Saciid, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad, Maxamed Baari Shire, Guddoomiye ku-xigeenka labaad, Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan goleyaasha dowladda.
Intii uu kulanku socday, waxaa lagu soo bandhigay xog-ururin laga sameeyay wadatashiyo uu Guddiga Baarlamaanka ee u xilsaaran wax-ka-beddelka Dastuurka la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland. Xogtaasi waxay ku saabsanayd qodobbada la soo jeediyay in wax laga beddelo, iyadoo Puntland isu diyaarinayso hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo heer goleyaasha deegaanka iyo heer baarlamaan ah.
Sagaalka qodob ee la soo jeediyay in wax laga beddelo
Golaha Wasiirrada Puntland ayaa soo jeedisay in wax laga beddelo sagaal qodob oo ka mid ah Dastuurka Puntland ee 2023, kuwaas oo kala ah:
Qodobka 37aad: Xuquuqda shaqaalaha.
Qodobka 41aad: Xuquuqda muwaadinka.
Qodobka 44aad: Doorashooyinka.