Jabuuti (Dawan) — Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti ayaa Isniintii si rasmi ah u billowday olole lagu buufinayo guryaha iyo xaafadaha magaalada Jabuuti, kaas oo ujeeddadiisu tahay in lagu yareeyo kaneecada gudbisa cudurka duumada. Ololaha ayaa socon doona muddo bil iyo bar ah.
Ololahan oo uu fulinayo Machadka Caafimaadka Dadweynaha Jabuuti ayaa laga fulinayaa xaafadaha kala duwan ee caasimadda, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka duumada.
Munaasabadda daahfurka ololaha waxaa ka qaybgalay Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, Muna Cusmaan, ku-xigeenka wakiilka Ururka Caafimaadka Adduunka ee Jabuuti iyo xirfadlayaal ka tirsan bahda caafimaadka.