Dooxa (Dawan) – Wasiirka Isgaarsiinta, Boostada iyo Taleefannada Jabuuti, Maxamed Cabdulqaadir Muuse Helem, ayaa sheegay in iskaashiga caalamiga ahi muhiim u yahay xaqiijinta in si caddaalad ah looga wada faa’iidaysto fursadaha ay abuuraan tiknoolajiyadaha cusub. Wasiirka ayaa hadalkan jeediyay markii uu Isniintii ka qaybgalay furitaanka Shirka Awoodda Buuxda ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), oo ka furmay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Farriin uu ku baahiyay bartiisa Facebook, ayuu Wasiir Helem ku tilmaamay in shirku muujinayo muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta dalalka iyo iskaashiga caalamiga ah si loo xaqiijiyo in dhammaan dalalku si caddaalad ah uga faa’iidaystaan fursadaha tiknoolajiyadda. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay sida ay Jabuuti uga go’an tahay dhisidda deegaan dijitaal ah oo hal-abuur leh, loo dhan yahay, ammaan ah, isla markaana waara.
Wasiirka, oo Axaddii gaaray magaalada Doha, waxaa wehelinayay Dr. Kassim Issak Ousman, Guddoomiyaha Hay’adda Isku-dhafka ah ee Jabuuti (ARMD), Safiirka Jabuuti u fadhiya Qatar, Dayib Doubad Robleh, iyo qaar ka mid ah la-taliyeyaashiisa.