Hargeysa (Dawan) — Somaliland ayaa shalay kulan la yeelatay wafdi ka socday Bangiga Adduunka, iyagoo ka wada hadlay diyaar-garowga dhismaha waddada Haleeya–Ina Guuxa, oo qayb ka ah Mashruuca Isku-xirka Kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika (SHIIP), kaas oo dukumentiyada rasmiga ah loogu diiwaangeliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sida uu baahiyay Telefishanka Somaliland, kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhammaystirka naqshadda farsamo ee waddada iyo tallaabooyinka looga baahan yahay maamulka Hargeysa si loo bilaabo dhismaheeda. Somaliland ayaa waddadan, oo ay dhererkeeda ku sheegtay 94 kiiloomitir, ku tilmaantay waddadii ugu dheereyd ee Bangiga Adduunku ka maalgeliyo deegaannadeeda, iyadoo la filayo in hawlaha fulinteeda dhawaan la bilaabo.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, Cabdillaahi Xasan Aadan, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda, Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab), iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Maxamed Xasan Saleebaan. Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu qiimeeyay laba mashruuc oo kale oo uu Bangiga Adduunku maalgeliyo, kuwaas oo kala ah Stairs2Jobs MPA iyo NAGAAD. Mashruuca NAGAAD, oo ay fulinayso Dowladda Hoose ee Hargeysa, waxaa qayb ka ah dhismaha Waddada 150-ka, iyadoo la sheegay in naqshadeeda farsamo dhawaan la soo bandhigi doono.