Jigjiga (Dawan)-Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa degmada Qabribayax ka dhagax-dhigtay mashruuca dhismaha Kulliyadda Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta, iyadoo maamulka deegaanku uu sheegay in xaruntan ay door ka qaadan doonto horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Maxamed Cumar, iyo Wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka, Xuseen Gaydh, ayaa ka qeyb galay munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca. Dhismaha kulliyadda ayaa ku kacaya in ka badan 482 milyan oo birr, oo u dhiganta qiyaastii $3 milyan, waxaana qorshuhu yahay in lagu soo gabagabeeyo muddo 24 bilood ah, ama laba sano. Mashruuca waxaa fulinaya Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka ee DDS.
Kulliyadda ayaa lagu wadaa inay bixiso fursado waxbarasho iyo tababarro xirfadeed oo la jaanqaadaya baahiyaha suuqa shaqada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo dhallinyarada iyo bulshada deegaanka.