Waajid (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u magacawday maamul cusub oo hoggaamin doona Degmada Waajid ee gobolka Bakool, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo maamulka iyo adeegyada bulshada ee deegaanka, xilli khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Maamulka Koonfur-galbeed uu sii xumaanayo.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa lagu shaaciyay in Xasan Cabdi Isaaq (Bootoole) loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waajid.
Sidoo kale, Maxamad Cabdiraxmaan Maxamad (Jugle) ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee arrimaha amniga iyo siyaasadda, halka Aadan Cali Kulow loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee arrimaha bulshada. Ayaane Cabdi Dhuux Yare ayaa isna loo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Waajid.
Wasaaradda ayaa sheegtay in magacaabistan ay dhaqan-gashay maanta, isla markaana mas’uuliyiinta cusub looga fadhiyo inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isla markaana horumariyaan adeegyada ay helaan shacabka degmada.
