Dubai (Dawan) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay dhimashada iyo dhaawaca shaqaale saarnaa markabka shidaalka qaada ee MT Honour 25, xilli hawlgal lagu soo furtay markabka oo laga afduubtay xeebaha Soomaaliya, sida ay Arabacadii sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka.
Markabka ayaa Talaadadii lagu soo furtay hawlgal ka dhacay deegaanka Dharin-Bar ee degmada Bandar Beyla ee Puntland, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland.
Shan ka mid ah shaqaalaha markabka ayaa lagu dilay, halka afar kalena lagu dhaawacay intii uu socday hawlgalka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland. Shaqaalaha markabka ayaa kasoo kala jeeday dalal dhowr ah, waxaana dadka la dilay aan lagu soo sheegin inay ahaayeen muwaadiniin Imaaraad ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa sheegtay in dhimashada iyo dhaawacyadu ay khatar weyn ku yihiin amniga maraakiibta iyo badqabka marinnada ganacsiga caalamiga ah.