Muqdisho (Dawan) – Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay Toddobaadka Wacyigelinta Cudurka Sonkorowga, kaas oo ay iska kaashadeen in ka badan 40 isbitaal oo gaar loo leeyahay, kana kala yimid Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka ah. Wadarta guud ee isbitaallada ka qaybgalay ololahan ayaa ahayd 44, kuwaas oo 30 ka mid ahi ay ku yaallaan magaalada Muqdisho, halka 14-ka kale ay ka kala socdeen magaalooyinka Baydhabo, Gaalkacyo, Kismaayo iyo Laascaanood. Isbitaalladan oo ku mideysnaa dalladda SNAPH ayaa qabtay barnaamijyo kala duwan oo bulshada lagu wacyigelinayay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen socod wacyigelin ah, kulamo gaar ah iyo baaritaanno caafimaad.
Farriimaha muhiimka ah ee ololaha lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahayd in cudurka sonkorowgu uusan ku koobnayn dadka dhaqaalahoodu sarreeyo, sida ay dad badan hore u aaminsanaayeen, balse uu ku dhici karo qof kasta, meel kasta oo uu ku nool yahay. “Waxaan u baahanahay inaan meel ka soo wada jeesanno, waayo dadkeenna Soomaaliyeed si wanaagsan ugama warqabaan cudurradan. Markii hore waxaa la oran jiray waa cudurro ku dhaca dadka ladan, laakiin maanta qof kasta ayuu ku dhici karaa, ha joogo gobol ama tuulo,” ayay tiri Dr. Maryan Maxamed Xuseen, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka.
Ololahan ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii kordhayo cudurka sonkorowga, isla markaana uu weli yahay dhibaato caafimaad oo aan si wanaagsan looga warqabin gudaha Soomaaliya.