Muqdisho (Dawan)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Axaddii sheegay in Taiwan iyo Israa’iil ay khatar ku yihiin jiritaanka iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isaga oo Shiinaha ku tilmaamay saaxiib “xabiib ah” oo Soomaaliya garab taagan.
“Maanta jiritaanka iyo madax-bannaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Taiwan waxay ka mid tahay waxyaabaha khatarta ku ah. Israa’iil ayaa iyaduna khatar ku ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo ka hadlayay munaasabad lagu dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka, oo Shiinuhu gacan ka geysanayo hirgelinteeda.
“Waa noo kala soocan yihiin dalalka khatarta ku ah jiritaanka ummadnimadeenna iyo dawladnimadeenna iyo kuwa xabiibka ah ee saaxiibka nala ah. Shiinuhu wuxuu ka mid yahay kuwa xabiibka ah,” ayuu raaciyay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Shiinuhu uu Soomaaliya garab taagnaa tan iyo lixdamaadkii, isla markaana labada dal ay ka mideysan yihiin mabaadi’da “Hal Shiine” iyo “Hal Soomaaliya”.