Muqdisho (Dawan) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in la sameeyo hannaan mideysan oo lagu maareeyo adeegyada internet-ka iyo isgaarsiinta dalka, si loo yareeyo khataraha amniga dijitaalka, loona ilaaliyo xogta iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu. Xamsa ayaa arrintan ka hadlay Axaddii, xilli uu kormeer ku sameeyay xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Muqdisho, oo dhawaan dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameeyay, laguna kordhiyay qaybo loogu talagalay horumarinta adeegyada isgaarsiinta iyo boostada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay muhiim tahay in la helo nidaam internet oo dowladdu maamusho ama adeegyada internet-ka lagu bixiyo hannaan mideysan oo ay dowladdu hagto, si loo xaqiijiyo amniga iyo isku-halaynta adeegyada. Intii uu kormeerka ku jiray, waxaa loo soo bandhigay warbixin ku saabsan waxqabadka Wasaaradda, siyaasadaha ay ku shaqeyso iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada dijitaalka ah ee dalka.