Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday dib u dhiska xarunta Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo la doonayo in la horumariyo adeegyada ardayda iyo maamulka jaamacadda, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.
Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayay qorshaha casriyeynta xarunta oo Sabtidii dhacday.
Xarunta Gaheyr ayaa ah tan ugu weyn ee jaamacaddu ku leedahay magaalada Muqdisho, iyadoo dhererkeedu gaarayo in ka badan hal kiiloomitir, qiyaastii 800 mitir dhanka Afgooye iyo ku dhowaad 1,025 mitir dhanka Madiina.
Rektarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in xaruntan oo shaqeyneysay tan iyo 1970-meeyadii ay door muhiim ah ku leedahay waxbarashada sare ee dalka.


