Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay kooxaha mucaaradka inay qorsheynayaan carqaladeynta Muqdisho iyagoo qabanqaabinaya bannaanbaxyo ka kala dhacaya qeybo badan oo caasimadda ah, taas oo ay dowladdu sheegtay inay halis ku tahay amniga iyo kala dambeynta magaalada.
War-saxaafadeed ay maanta oo Axad ah soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay ixtiraamayso xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka ee la xiriirta bannaanbaxyada nabadeed, xorriyadda hadalka iyo ka qeybgalka siyaasadda.
Dowladda ayaa sheegtay inay garoonka ciyaaraha Eng. Yariisow u asteeysay goobta rasmiga ah ee bannaanbaxyada nabadeed si loo ilaaliyo amniga shacabka iyo habsami u socodka caasimadda.
Hase yeeshee, war-saxaafadeedka ayaa lagu eedeeyay qabanqaabiyeyaasha mucaaradka inay ku dhawaaqeen 22 goobood oo bannaanbaxyo looga qabanayo Muqdisho, taas oo dowladda ay sheegtay inay ujeedadeedu tahay “in magaalada la curyaamiyo, la carqaladeeyo, loona kala qeybiyo qaab beeleed.”
Wasaaradda ayaa sidoo kale walaac ka muujisay qorshaha bannaanbaxyo soconaya shan maalmood oo xiriir ah, iyadoo sheegtay in qaabka loo abaabulay iyo hadallada la xiriira ay khatar gelin karaan amniga shacabka, adeegyada muhiimka ah iyo kala dambeynta magaalada.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, warbixinno amni ayaa muujinaya in shaqsiyaad hubeysan oo lala xiriirinayo mucaaradka ay isku aruursadeen qeybo kamid ah magaalada, oo ay ku jiraan goobo ay dad badan deggen yihiin.


