Baku (Dawan) – Halmeel, oo ah xarunta mideysan ee adeegyada dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa Qaramada Midoobay ka dalbatay taageero farsamo, iskaashi dhinaca tiknoolajiyadda ah iyo kobcinta awoodda shaqaalaheeda, ka hor daah-furka rasmiga ah ee xarunta, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Halmeel.
Agaasimaha Guud ee Halmeel, Maxamed Dubo, ayaa kulan la yeeshay Li Junhua, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, iyo saraakiil ka tirsan Waaxda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay (UN DESA). Dubo ayaa Li Junhua warbixin ka siiyay waajibaadka iyo shaqada Halmeel, horumarka ay xaruntu samaysay, diyaargarowga hawlgelinteeda iyo qorshayaasha la xiriira daah-furkeeda rasmiga ah.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay fursadaha iskaashi ee Halmeel iyo UN DESA, oo ay ka mid yihiin taageerada farsamo, iskaashiga dhinaca tiknoolajiyadda, kobcinta awoodda shaqaalaha xarunta iyo sidii Soomaaliya looga qaybgelin lahaa hawlaha ay fuliso UN DESA. Dubo ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Danjire Marie-Antoinette Rose-Quatre, Maamulaha Guud ee Hannaanka Dib-u-eegista Asxaabta Afrika (APRM), oo xaruntiisu tahay Johannesburg. Labada dhinac ayaa soo dhoweeyay ku biiritaanka Soomaaliya ee APRM, waxayna ka wada hadleen iskaashi lagu dardargelinayo hirgelinta Yoolka 16-aad ee Horumarinta Waara (SDG 16), kaas oo diiradda saaraya dhismaha hay’ado dowladeed oo hufan iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in labada dhinac ay isku afgarteen dardargelinta iskaashi lagu xoojinayo Halmeel iyo gudashada waajibaadkeeda qaran. Hase yeeshee, bayaanka laguma xusin in heshiis rasmi ah la kala saxiixday.