Qaahira (Dawan) – Wasiirka Dhaqanka, Warfaafinta, Dalxiiska iyo Taariikhda Suudaan, Khaalid Al-Ciisir, ayaa Itoobiya ku eedeeyay inay taageerto maleeshiyaad weerara goobaha rayidka ee Suudaan, isagoo sheegay in arrintaasi ay khilaafsan tahay axdiga Midowga Afrika.
“Itoobiya waxay noqotay dal taageera maleeshiyaad weerara goobaha rayidka, kuwaas oo khatar ku ah nolosha shacabka Suudaan. Arrintaasi waxay khilaafsan tahay axdiga lagu aasaasay Midowga Afrika,” ayuu yiri Al-Ciisir, oo hadalkan jeediyay kaddib kalfadhiga 56-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta, oo maanta oo Jimco ah ka dhacay Qaahira.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Suudaan ay laba maalmood ka hor soo saartay bayaan ay ku cambaaraynayso waxa ay ugu yeertay “gardarrada Itoobiya”. Waxa uu intaas ku daray in Suudaan ay mowqif adag ka taagan tahay ilaalinta madaxbannaanideeda, isla markaana aysan aqbali doonin wax kasta oo ay ku xadgudbaan dalalka deriska ah, kuwa gobolka ama kuwa caalamka.
“Haddii Itoobiya aysan u hoggaansamin mabda’a deris-wanaagga, arrintaasi waxay saamaynaysaa gobolka oo dhan, mana aha mid ku kooban Suudaan oo keliya,” ayuu yiri.
Al-Ciisir ayaa sidoo kale khilaafka labada dal ku xiray muranka ka taagan biyaha Webiga Niil, isagoo sheegay in iskaashiga dalalka uu webigu ka soo bilowdo iyo kuwa uu maro ama ku dhammaado uu ku dhisnaado danaha wadaagga ah.