Muqdisho (Dawan ) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ay sagaal qof ka soo badbaadiyeen kooxda Al-Shabaab, xilli ay sidoo kale dileen shan dagaalyahan.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay degmada Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo kooxda ay ku heysteen 9 qof oo ay dowladda sheegtay in la afduubay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in intii uu howlgalka socday ay ciidamada dileen shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, oo uu ku jiray qof ay dowladda ku tilmaantay horjooge ka tirsan kooxda.


