Antalya (Dawan)– Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa magaalada Antalya kulan laba geesood ah kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, xilli hoggaamiyeyaasha caalamku isu diyaarinayaan shirka hoggaamiyeyaasha COP31.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay diyaar-garowga Turkiga ee martigelinta shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada.