Muqdisho (Dawan) — Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Dawan Media Group ayaa yeeshay wadahadallo ku saabsan xoojinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada saxaafadda, tayeynta xirfadaha suxufiyiinta iyo ka hortagga wararka marin-habaabinta ah, si loo xoojiyo xiriirka ka dhexeeya tacliinta jaamacadeed iyo mihnadda saxaafadda.
Wadahadalladan ayaa yimid kadib markii Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, uu maanta oo Talaado ah xarunta dhexe ee jaamacadda ee Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday maamulka sare ee Dawan Media Group. Wafdiga waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Dawan Media, Cali Nuur Salaad, Agaasimaha Tifaftirka, Cali Xalane, iyo Tifaftiraha Arrimaha Siyaasadda, Zamzam Daqarre.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay jaamacadda, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta, xirfadaha shaqo iyo anshaxa mihnadeed ee suxufiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo laga faa'iideysanayo kaalinta Qaybta Saxaafadda iyo Culuumta Warbaahinta ee Kulliyadda Cilmiga Bulshada.
Waxay sidoo kale isla soo qaadeen fursadaha iskaashi ee kor loogu qaadi karo wacyiga bulshada iyo wax ka qabashada faafitaanka wararka marin-habaabinta ah.
Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli saxaafadda Soomaaliya ay weli wajahayso duruufo shaqo oo adag. Warbixinta Heerka Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 2026, oo ay soo saartay hay'adda Suxufiyiinta Aan Xuduudda Lahayn (RSF), ayaa Soomaaliya gelisay kaalinta 126-aad, marka loo eego 180 dal oo la qiimeeyay. Tani waxay muujinaysaa horumar marka la barbar dhigo kaalintii 136-aad ee ay Soomaaliya ku jirtay sannadkii 2025.
Agaasimaha Guud ee Dawan Media, Cali Nuur Salaad, ayaa sheegay in kalsoonida bulshada ee saxaafaddu ay ku dhismi karto hannaan isku xira waxbarashada, cilmi-baarista iyo tebinta wararka.
“Saxaafadda Soomaaliya kuma sii shaqeyn karto hannaan kala dhantaalan. Saxaafad lagu kalsoonaan karo maanta waxay u baahan tahay nidaam isku xiran oo cilmi-baarista, tababarka, tiknoolajiyadda iyo tebinta wararku ay is-kaabayaan. Wararka marin-habaabinta ahi waxay u faafayaan si ka dhakhso badan sidii hore, waxaana looga jawaabi karaa saxaafad leh aqoon iyo anshax mihnadeed, isla markaana haysata kalsoonida bulshada,” ayuu yiri Cali Nuur Salaad.
Wuxuu intaas ku daray in iskaashiga Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed uu door muhiim ah ka qaadan karo horumarinta mihnadda saxaafadda dalka.
“Iskaashiga aan la yeelanayno Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed wuxuu saldhig u noqonayaa diyaarinta jiil cusub oo suxufiyiin ah, kuwaas oo si sax ah, xirfad leh oo kalsooni ku dheehan tahay uga warrami doona Soomaaliya, gudaha dalka iyo caalamkaba. Waxaa muhiim ah in Soomaaliya ay ka warramaan suxufiyiin Soomaaliyeed oo si qoto dheer u fahamsan dalkooda,” ayuu raaciyay.
Dhankiisa, Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in doorka jaamacaddu aanu ku koobnayn bixinta waxbarashada oo keliya, balse uu sidoo kale yahay kobcinta fahamka bulshada iyada oo loo marayo cilmi-baaris, muxaadarooyin iyo falanqayn aqooneed.
“Jaamacaddu waxay bulshada ugu adeegtaa si waxtar leh marka ay soo saarto aqoon wax ku ool ah, isla markaana ay abuurto madal ay ka dhacaan doodo xog iyo aqoon ku dhisan. Iyada oo loo marayo cilmi-baaris, muxaadarooyin dadweyne iyo wadahadallo furan, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay ka shaqaynaysaa dhismaha bulsho xog-ogaal ah oo masuuliyad leh,” ayuu yiri.
Wuxuu xusay in iskaashiga Dawan Media uu ardayda siinayo fursad ay aqoonta fasallada ku bartaan ugu beddelaan waayo-aragnimo iyo tababar shaqo oo toos ah.