Muqdisho (Dawan)— Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay socod wacyigelin ah oo bulshada lagu dhiirrigelinayo ka hortagga cudurka sonkorowga iyo in xilli hore la ogaado, iyadoo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay sheegtay in sonkorowga iyo xanuunnada kelyaha ee uu sababo ay sannadkii 2023 dunida ku dileen qiyaastii 2.4 milyan oo qof.
Socodkan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Caafimaadka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa qayb ka ah ololaha Maalinta Caalamiga ah ee Sonkorowga 2026, kaas oo sannadkan halku-dhiggiisu yahay “Wax-ka-qabashada Hore ee Cudurka Sonkorowga”.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji, ayaa bulshada ku boorriyay inay joogteeyaan dhaqdhaqaaqa jirka, isagoo dadka da’doodu ka yar tahay 60 sano kula taliyay inay maalintii socdaan 10,000 oo tallaabo, halka dadka ka weyn da’daas uu kula taliyay 6,000 oo tallaabo. “Qofka da’diisu ka yar tahay 60 sano waxaa laga rabaa inuu maalintii socdo 10,000 oo tallaabo, halka qofka ka weyn 60 sano laga rabo inuu maalintii socdo 6,000 oo tallaabo,” ayuu yiri wasiirku.