Shanghai (Dawan)– In ka badan 40 shirkadood oo Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay ka qaybgalay Bandhigga Caalamiga ah ee Soo-dejinta Shiinaha (CIIE), oo ka dhacay magaalada Shanghai, iyagoo doonaya inay helaan suuqyo cusub iyo iibsadayaal Shiineys ah, kana faa’iideystaan siyaasadda Shiinaha ee canshuur-dhaafka u ah badeecadaha Soomaaliya.
Bandhigga oo ahaa kii sagaalaad ayaa socday 5-tii ilaa 10-kii Nofeembar. Soomaaliya ayaan ka qaybgelin siddeeddii bandhig ee hore. Shirkadaha Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay badeecado ay ka mid yihiin sisinta, fooxa iyo malmalka. Waxa kale oo ay soo bandhigeen fursadaha maalgashi ee ka jira dhinacyada xoolaha, kalluumeysiga iyo khayraadka macdanta. Qaar ka mid ah shirkadaha ayaa sidoo kale keenay badeecado warshadaysan oo si gaar ah loogu baakadeeyay macaamiisha.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan, oo hoggaaminayay wafdiga Soomaaliya, ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee ka qaybgalka bandhigga ay tahay in ganacsatada Soomaaliyeed loo abuuro xiriir ganacsi oo ay la yeeshaan dhiggooda Shiinaha.
“Waxaan halkan u nimid inaan muujinno in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay ganacsi la sameyso Shiinaha,” ayuu wasiirku u sheegay telefishinka CGTN. Wasiirka ayaa intaas ku daray in iibsadayaasha Shiineysku ay xiiso weyn u muujiyeen badeecadaha beeraha, xoolaha, kalluunka iyo sisinta Soomaaliya.