Muqdisho (Dawan) — Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya ayaa maana oo Arbaco ah la kulmay shirkadaha dhismaha si looga wada hadlo iskaashi ku saabsan horumarinta kaabayaasha iyo magaalooyinka, sida ay sheegtay wasaaraddu.
Wasiir Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa kulna wadatashi ah la qaatay SORECA, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin shirkadaha dhismaha iyo hantida maguurtada ee Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa sheegtay in kulanka diiradda lagu saaray isku-duwidda u dhexeysa dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya dhismaha.
“Waxaan u baahanahay iskaashi iyo wada-shaqeyn si dalka loo horumariyo loona kobciyo dhaqaalaha,” ayuu yiri wasiirku, isagoo xusay in dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ay si wadajir ah u shaqeeyaan si loo helo maalgashi lagu kalsoonaan karo.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay maamusho mashaariic waddooyin ah oo ka socda gobollo kala duwan, kuwaas oo dhererkoodu ka badan yahay 377 kiiloomitir, isla markaana ay taageerayaan hay’ado caalami ah.
Wuxuu intaas ku daray in mashaariic kale oo waddooyin ah ay ku jiraan heer qorsheyn iyo naqshadeyn, kuwaas oo isku xiraya gobollada dalka iyo waddamada deriska ah.


