MUQDISHO (Dawan ) – Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho ku qabatay shir heer qaran ah oo arrimaha bani’aadannimada ah, iyadoo ku baaqday in laga gudbo ka jawaabista degdegga ah loona gudbo dhisidda adkaysi waara, xilli malaayiin qof ay wajahayaan cunto yari, abaaro iyo hoos u dhac ku yimid maalgelinta gargaarka.
Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF), oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Qaramada Midoobay, deeq-bixiyeyaal, ururrada bulshada rayidka ah, culimo iyo ganacsatada, si looga wada hadlo xal u helidda dhibaatooyinka soo noqnoqda ee dalka iyo sidii loo dhisi lahaa hannaan waara.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay ka gudubto jawaab-celin degdeg ah oo soo noqnoqota, islamarkaana ay diiradda saarto ka hortag iyo dhisidda adkaysi.
“Soomaaliya waxay weli wajahaysaa abaaro iyo fatahaado soo noqnoqda… welina waxaan ka jawaabaynaa isla dhibaatooyinkii sannadba sannadka ka dambeeya,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in xaaladdu aan lagu sii jiri karin, loona baahan yahay xalal waara.
Wuxuu sheegay in malaayiin qof ay weli la ildaran yihiin cunto yari iyo nafaqo darro, halka biyo yaraantu ay sii kordhinayso barakaca iyo baahiyaha bani’aadannimo.
Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, George Conway, ayaa ka digay in xaaladdu sii xumaan karto bilaha soo socda, isaga oo tilmaamay isku-darka abaaraha, yaraanta maalgelinta iyo saameynta xaaladaha caalamka.
“Xaaladda hadda jirta waxay ahaan doontaa mid aad u daran bilaha soo socda,” ayuu yiri, isaga oo xusay in howlaha gargaarka ay horey u saameeyeen hoos u dhaca maalgelinta iyo kororka kharashaadka.
Wuxuu intaa ku daray in maalgelin la’aanta ay sababtay in la xiro boqolaal xarumood oo nafaqo iyo caafimaad ah, taas oo hoos u dhigtay helitaanka adeegyada badbaadinta nolosha.


