Shabeellaha Hoose (Dawan) – Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tababarka u soo xiray Dufcaddii 12-aad ee Guutada 16-aad, munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Shahiid Gaashaanle Xasan Tuure, xilli dowladda Soomaaliya ay kordhinayso masuuliyadda ay ka qaaddo taageerada ciidan muddo dheer gacan ka helayay Mareykanka.
Munaasabadda xiritaanka Waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo saraakiil kale.
Xamsa ayaa askarta cusub ugu baaqay inay ka qayb qaataan hawlgallada amniga, iyagoo ilaalinaya sharciga iyo karaamada shacabka. Wuxuu sheegay in wada shaqaynta ciidamada, hay’adaha dowladda iyo bulshada ay muhiim u tahay dadaallada lagu soo celinayo xasilloonida.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ciidanka ku adkeeyay anshaxa iyo masuuliyadda, halka taliyaha ciidanku uu sheegay in tababarka dufcaddan loogu diyaariyay gudashada waajibaadyo ciidan oo culus. Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay xirfado ay askartu barteen intii uu tababarku socday.