Muqdisho (Dawan) — Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab,” ayaa ku dhawaaqay in diidmada isticmaalka Shilinka Soomaaliyeed ay tahay dembi.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar, ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay in duqu uu qabtay kulan degdeg ah oo uu la yeeshay qeybaha kala duwan ee ganacsatada si wax looga qabto arrintan.
Kulanka waxaa ka qeyb galay sarifleyaal, tafaariiqley, gaadiidley, khudaarley, hilibley iyo wakiillo ka socday rugaha ganacsiga ee heer gobol iyo heer qaran, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.
Saraakiisha ayaa sheegay in ganacsatadu ay sharxeen saameynta ay leedahay diidmada Shilinka Soomaaliyeed, iyadoo kulanka lagu falanqeeyay sababaha arrintan ka dambeeya iyo baahida loo qabo xal degdeg ah.
Duqa Muqdisho ayaa u sheegay ganacsatada in aysan suurtagal ahayn in la diido lacagta qaranka, isagoo tilmaamay in Shilinku uu yahay tiir muhiim u ah nidaamka dhaqaalaha dalka.
Wuxuu amar ku bixiyay in canshuuraha lagu bixiyo Shilinka Soomaaliyeed, isla markaana sarifleyaashu ay aqbalaan oo ay sarifaan lacagta.


