Muqdisho (Dawan)- Ciidamada dowladda Soomaaliya, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa dilay ugu yaraan 54 ka tirsan Al-Shabaab, kaddib duqeymo cirka ah oo laga fuliyay gobollo kala duwan, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga.
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday deegaannada Tardo ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee Shabeellaha Hoose, Daynuunaay ee gobolka Baay, iyo Qumbi ee Jubbada Hoose.
Wasaaradda ayaa sheegtay in duqeymaha lagu burburiyay fariisimo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay maalmihii u dambeeyay dib isugu abaabulayeen goobahaas.
“Duqeymahan waxay khasaare weyn gaarsiiyeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka, iyadoo la adeegsanayo erayga ay dowladda u adeegsato kooxda.


