Dood cilmiyeed lagu lafa-gurayay guulaha barnaamijka isbeddelka ee Megabit 24 iyo jihooyinka mustaqbalka ee Xisbiga Barwaaqo ayaa ka qabsoontay magaalada Jigjiga. Doodda ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida , Mustafe Muxummed Cumar, masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda, odayaal dhaqameed iyo wakiillo ka socda ururada bulshada.
24 bisha Megabit waa bil ka mid ah bilaha taariiikh tirsiga Itoobiya waxayna ku beegan 2 april Maalintan waxaa laga xusaa Itoobiya, maalinta isbeddelka iyo dib-u-habaynta, gaar ahaan waxay muhiim u tahay Dawlad Deegaanka Soomaalida maadaama ay tahay maalintii uu Mustafe Muxummed Cumar loo magacaabay madaxweynaha deegaanka sanadkii 2018.
Madaxweynaha DDS Mustafe Muxummed Cumar ayaa si qoto dheer uga hadlay horumarka la gaaray mudadii isbeddelka Megabit 24, isagoo carabka ku adkeeyay in xukuumaddu ay ku guuleysatay dhismaha hay’adaha dawliga ah, horumarinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta amniga deegaanka.