Dhuusamareeb (Dawan ) – Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Talaadadii caasimadda Dhuusamareeb ka bilowday dhismaha xarunta cusub ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka. Mashruuca waxaa maalgeliyay Bangiga Adduunka.
Sida lagu muujiyay boorka mashruuca, dhismaha waxaa lagu maalgelinayaa Mashruuca Bangiga Adduunka ee Xoojinta Maamulka Kheyraadka Dowladda Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Galmudug ayaa ah hay"adda ka masuul ah mashruuca . Dhismaha waxaa fulinaysa shirkadda Som Central Construction Company Limited, waxaana la filayaa in la dhammeeyo 16-ka November 2027. Lama shaacin kharashka mashruuca.
Hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo ka hadlay xafladda ayaa ballanqaaday in shaqaalaysiinta dowladda laga dhigi doono mid hufan, isla markaana kor loo qaadi doono tayada shaqaalaha rayidka.