Muqdisho (Dawan)– Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in Imaaraadka Carabtu uu si dhuumaalaysi ah u adeegsaday dekedda Berbera, si uu uga sii gudbiyo hoggaamiye gooni-u-goosad ah oo Yamani ah oo baxsad ahaa bishii Janaayo. Wuxuu sheegay in aanay dowladda Muqdisho ka dalban oggolaansho, isla markaana aan la ogeysiin.
“Bishii Janaayo ee sanadkan, dhulkeenna, gaar ahaan magaalada Berbera, ayaa loo adeegsaday in laga sii gudbiyo hoggaamiye kooxeed gooni-u-goosad ah oo ka baxsaday dalka Yaman,” ayuu yiri Xasan Sheekh, oo khudbad toos ah u jeedinayay shacabka. “Dowladda Soomaaliya lagama dalban oggolaansho, mana la ogeysiin, balse dowladda Imaaraadka ayaa si dhuumaalaysi ah dhulkeenna u adeegsatay, una marsiisay ninkaas baxsadka ahaa.” ayuu raaciyay hadalkiisa