Muqdisho (Dawan) – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya László Máthé ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Waxay ka wada hadleen hannaanka siyaasadda dalka iyo xaaladihii ugu dambeeyay, sida ay sheegeen labada dhinac.
Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in labada dhinac ay fikrado ka wada baaraandegeen hannaanka siyaasadda, xaaladaha dhowaan dalka ka dhacay iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya.
“Midowga Yurub wuxuu taageersan yahay wadahadal loo dhan yahay, xasilloonida hay’adaha iyo danaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri xafiiska.