Muqdisho (Dawan) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay hannaanka doorashooyinka dalka.
War-saxaafadeed uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in maanta oo ku beegan 15 May, maalinta dhallinyarada ay ahayd fursad ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku heli lahaayeen xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashada hoggaankooda, si xor ah oo xalaal ahna ay ugu tartami lahaayeen matalaadda shacabka.
“Maanta waxa ay ahayd in dhallinyarada Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashada hoggaankooda, si xor ah oo xalaal ahna ay ugu tartamaan matalaadda shacabka, balse taas waxaa fashiliyey damaca shakhsiga ah ee madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday, oo waqti ku lumiyay dhul-boob, barakicin, laalid dastuurkii heshiiska lagu ahaa iyo hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.


