Muqdisho (Dawan) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa su’aal geliyay qorshaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sheegtay inay guryo ugu dhisayso qoysaska ay saameeyeen duminta dhulalka Muqdisho.
Qoraal uu Farmaajo ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in hadalka dowladda ee ku saabsan dhismaha guryaha uu muujinayo inay jirto cadaadis iyo kacdoon bulsho oo ka dhashay arrinta duminta dhulalka.
“Warka dowladda ay ku sheegtay in ay guryo u dhisayso tiro yar oo ka mid ah qoysaskii la barakiciyay sanadihii la soo dhaafay waa hadal ay dowladda kaga jawaabayso cadaadiska iyo kacdoonka bulshada,” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in aysan muuqan qorshe hore ama miisaaniyad ay dowladda u diyaarisay mashruucan, isagoo arrinta ku xiriiriyay nidaamka rarista dadka.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya ay ku dhawaaqday qorshe lagu dhisayo 12,000 guri oo laga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho.


