Waxaa qoray Avv. Cumar Cabdulle “ Dhagey”
Nidaamka federaalka waxaa loogu talagalay inuu noqdo xal ay Soomaaliya kaga gudubto kala qaybsanaanta iyo burburkii dowladeed. Waxaa laga filayay in uu maamulku u soo dhowaado shacabka, lagu aqoonsado kala duwanaanta, lagana fogaado khaladaadkii hore ee awoodda ku urursaneyd dowladda dhexe, Laakiin in ka badan labaatan sano kadib markii si rasmi ah loo qaatay, federalnimada Soomaaliya weli waa mid aan lahayn jiho – waa nidaam aan laheyn qaab xiriirsan oo dowladnimo.
maqnaashiyaha aragti mideysan, dastuur dhameystiran, iyo hannaan lagu xalliyo khilaafaadka ayaa dhalisay in mashruuca federaalka ee Soomaaliya uu isu beddelo masraxa loollanka siyaasadeed, halkaasoo danaha qabiilku ay ka sarreeyaan qaranimada.
Federalnimada oo loo tarjumay Si Khaldan
In Somaliya ay noqoto dal federaal ah waxay ka dhalatay xaalad siyaasadeed
oo khasbaysay ee ma ahayn mid laga heshiiyay.
Bilowgii 2000-meeyadii, xilli uu dalku kasoo kabanayay dagaal sokeeye iyo burbur, federaalka waxaa loo qaatay in lagu qanciyo kooxo dagaal oogayaal ah iyo maamul goboleedyo abuurmay ka hor federaalka sida Puntland .
Weligeed federaalnimada si cad looma qeexin, looma baran, lagaman dhigin mid dadku leeyihiin. Sidoo kale Wacyigelin bulsho lagama samayn. Illaa iyo maanta, dad badan waxay federaalka ula jeedaan 'qabiil xor ah' ama 'maamul beeleed leh xuduud beeleed, halkii ay ka ahaan lahayd nidaam maamul oo caddaalad ku dhisan.