“Hoos u dhaca dhaqaalaha Soomaaliya kuma imaan karti iyo adkaysi la’aanta shacabka Soomaaliyeed, balse waxaa sababay fashilka dowladnimada ee ku aaddan dib-u-dhiska hay’adaha qaranka iyo in la waayo isla-xisaabtan mudnaanta siinaya qaranka”
Afar sano iyo saddex bilood ayaa laga joogaa markii Soomaaliya ay dooratay Madaxweynaha uu muddo-xileedkiisu hadda dhammaaday. Waa xilli ku habboon in la isweydiiyo su’aasha muwaadin kasta xaqa u leeyahay inuu dowladda weydiiyo: Soomaaliya maanta ma ka wanaagsan tahay maalintii Madaxweynaha la doortay? Marka laga eego xogta iyo xaqiiqooyinka dhaqaale ee la diiwaangeliyay, jawaabtu waa maya.
Tani ma aha oo keliya aragti siyaasadeed. Waa arrin ku qotonta xisaab iyo xogaha diiwangashan.
Sida ku xusan warbixinta Xaaladda Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunku daabacay bishii May 2026, kobaca dhabta ah ee wax-soo-saarka guud ee dalka (Real GDP) ayaa hoobtay sanadkii 2025, wuxuuna hoos u dhacay 3%. Sidoo kale, awoodda wax-iibsiga ee bulshada ayaa hoos u dhacday 5.7%. Sanadkii 2025 waxay ganacsiyada dalka u ahayd sanadkii ugu wax-soo-saarka iyo faa’iidada yaraa tobankii sano ee la soo dhaafay. Waxaa xirmay ganacsiyo badan, waxaana dalka ka huleelay ganacsato Soomaaliyeed oo maalgashaday dalal shisheeye, halka shirkadaha qaarna ay duruufuhu ku qasbeen in ay dhimaan shaqaalahooda ama ay mushaarka ka yareeyaan.
Tirooyinka ay xogtaan muujineyso waxay ka tarjumayaan xaaladda qoysas Soomaaliyeed oo dadaalay, balse haddana ay noloshoodii dhaqaale sii adkaatay.
Maalgashiga dhulku waxa uu ahaa habka ay hantidooda ku keydsadaan dadka Soomaaliyeed. Nasiibdarro, waxaa khasaaro ba’an wajahaya dadkii ku tiirsanaa maalgashiga dhulka, oo aan maanta dhulkoodii ku heli karin qiimihii ay ku iibsadeen, waayo waxaa qiimatiray xaraashka sharcidarrada ah ee Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ku sameeyay dhulkii dantaguud.
Sidoo kale, maadaama dhulka lagu iibiyay suuq madoow oo la baalmariyay khasnadda dowladda, waxaa dibadda loo daabulay lacagtii caddaadnka ahayd ee lagu xaraashay dhulka, waxaana lacagtaas laga saaray bangiyo Soomaaliyeed oo ku dhaqdhaqaaqi jiray, kuna maalgelin jiray ganacsiyada dalka. Xogta Bangiga Adduunka waxay muujinaysaa in lacagta caddaanka ah ee bangiyadu hayaan, marka loo eego hantida guud ee dalka, ay hoos uga dhacday 40 % ilaa 35 % sanadkii 2025. Sidoo kale, maalgelinta ay bangiyadu siiyaan ganacsiyada ayaa hoos uga dhacday 30 % sanadkii 2022 ilaa 14 % sanadkii 2025. Ganacsi aan helin maalgelin ma kobci karo karo, shaqooyin cusubna ma abuuri karo.
Musuqmaasuqu ma aha oo keliya fashil maamul, waa dilaaga dhaqaalaha iyo dowladnimada. Waa dhaqan gurracan oo ka soo horjeeda diinta, damiirka, dadnimada, iyo dowlad-wanaagga, kaas oo xaalufinaya hantida ummadda, isla markaana cuuryaaminaya horumarka dalka, Tusaale ahaan, jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho waxaa yaalla 16 isbaaro oo lagu baado beeraleyda Soomaaliyeed ee quudisa shacabka caasimadda. Isbaarooyinkaas waxay naafeeyeen wax-soo-saarka dalka, waxay sababeen in beeraley badan ay ka baxaan suuqa, sicirbararna ku dhaco qiimaha khudaarta, dhoofinta wax-soo-saarka dalkunaa uu hoos u dhaco
Dhibaatadu waxay sidoo kale gaartay Dekedda Muqdisho, halkaas oo ganacsatada lagu soo rogay lacag dhan 320 doollar koonteer kasta oo loo qaado habab lagu tilmaamay inay yihiin kuwo dakhli gaar ah laga raadsado. Culeyskaas wuxuu saameyn ku yeeshay ganacsatada iyo awoodda dalka ee soo-dejinta cuntada, taas oo hoos u dhacday 2.5 %, halka sicir-bararkuna uu gaaray 6 %, oo ah ku dhowaad laba jibbaar heerkii sanad ka hor.
Waxaa jira dhibaato kale oo ka sii weyn: Soomaaliya waxay heshay fursado horumarineed oo caalami ah, balse qayb weyn oo ka mid ah waa lagu fashilmay in dalka looga faa’iideyo mashaariicdaas horumarineed. Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (GPE) ayaa sanadkii 2024 Soomaaliya u qoondeeyay in ka badan 330 milyan oo doollar oo loogu talagalay mashaariic horumarineed. Hase yeeshee, 240 milyan oo doollar, oo u dhiganta 73 %, lama isticmaalin.
Sanadkii 2025, Soomaaliya waxaa loo qoondeeyay in ka badan 407 milyan oo doollar, balse 285 milyan oo doollar, oo u dhiganta 70 %, lama isticmaalin.
Labadaas sano oo keliya, Waxaa Soomaaliya ka khasaaray in ka badan nus bilyan doollar, oo laga heli lahaa fursado shaqo, kobac dhaqaale, iyo horumar bulsho.