Muqdisho (Dawan)- Siyaasadda Soomaaliya 35-kii sano ee la soo dhaafay waxaa laga akhrisan karaa hal xaqiiqo oo marar badan soo noqotay: marka uu nidaamku is beddelo, waxaa is beddela siyaasiyiinta uu nidaamkaasi qaadi karo. Siyaasigii ku habboonaa Soomaaliya 1992 waxaa laga yaabaa inuusan ku habboonayn sanadkii 2012; kii awoodda lahaa 2012-na ma hubo inuu boos ku yeelan karo siyaasadda soo baxaysa 2026. Sidaas darteed, doorashooyinka Soomaaliya ma ahayn oo keliya kuwo kursi qof looga beddelo qof kale; waxay noqdeen shaqshaq ama shaandho mar kasta banaanka u saarta qayb ka mid ah jiil siyaasadeedkii hore.
1991: Siyaasadda qoriga
Markii dowladdii dhexe burburtay 1991, Dalka intiisa badan awoodda siyaasadeed waxaa gacanta ku dhigay jabhado, hoggaamiye-kooxeedyo iyo xoogag hubaysan. Dowladda dhexe ee shaqaynaysa ma jirin, waxaana dagaal u dhexeeyay kooxihii doonayay inay buuxiyaan bannaankii dowladdu ka tagtay.
Xilligaas, waxa siyaasiga awoodda leh lagu qiimeyn jiray waxyaabo aad uga duwan kuwa maanta: intee ciidan ah ayuu haystaa? Dhul intee le’eg ayuu maamulaa? Maleeshiyaad intee le’eg ayuu abaabuli karaa? Yaa dagaal kula geli kara, yaase heshiis kula geli kara?
Qof aan lahayn awood ciidan waxaa ku adkaan jirtay inuu miiska siyaasadda kursi weyn ka helo.
Taasi waxay dhalisay jiil siyaasadeed ay maskaxdiisu ku dhisnayd awood la qabsado ka hor inta aan sharci la samayn, Laakiin nidaam kasta wuxuu leeyahay cimri.
2000–2012: Qoriga waxaa la barbar dhigay shirka iyo saamiga
Markii la bilaabay dowladihii ku-meelgaarka ahaa, gaar ahaan dowladdii federaalka ku-meelgaarka ahayd ee 2004, siyaasadda Soomaaliya waxay bilowday inay yeelato waddo kale. Hubku weli muhiim ayuu ahaa, laakiin kaligiis kuma filnayn in lagu noqdo Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare, Wasiir ama Xildhibaan.
Waxaa soo baxay xirfad cusub: wada-hadalka, shirarka dib-u-heshiisiinta, saami-qaybsiga beelaha, xiriirka dalalka deriska ah iyo taageerada beesha caalamka.
Dowladdii Federaalka Ku-meelgaarka ahayd ee la dhisay 2004 waxay socotay ilaa 2012, markaas oo la soo afjaray muddadii ku-meelgaarka ahayd, lana dhisay hay’ado federaal ah oo cusub.
Qaar ka mid ah hoggaamiye-kooxeedyadii hore way la qabsadeen xaaladdaas. Waxay qorigii ku beddeleen suudh, jabhaddii waxay u beddeleen urur siyaasadeed, ciidankii gaarka ahaa waxay ku beddeleen xildhibaano iyo xulafo siyaasadeed.
Laakiin kuwo kale ma aysan samayn karin kala-guurkaas. Waana halka uu ka bilowday dabar-go’ siyaasadeed aan qori lagu fulin, balse nidaam cusub lagu fuliyo.
2012: Nidaam cusub, jiil cusub
Sannadkii 2012 wuxuu ahaa meel muhiim ah oo ay siyaasadda Soomaaliya jid kale qaadday. Waxaa la ansixiyay Dastuurka Ku-meelgaarka ah, waxaa la dhisay Baarlamaanka Federaalka, waxaana baarlamaanku Madaxweyne u doortay Xasan Sheekh Maxamuud. Taasi waxay soo afjartay xilligii rasmiga ahaa ee ku-meelgaarka.
Isbeddelka ugu weyn ma ahayn qofka Madaxweyne noqday oo keliya. Waxa is beddelay nooca qofka siyaasadda sare gaari kara.
Waxaa soo baxay siyaasiyiin aqoon leh, dad ka yimid bulshada rayidka ah, qurbo-joog, ganacsato iyo shaqsiyaad aan lahayn taariikh jabhadeed oo haddana awood u yeeshay inay galaan safka hore ee siyaasadda.
Halkaas waxaa hoos uga dhacay qiimihii “waxaan ahaa hoggaamiye jabhadeed,” waxaana kor u kacay qiimihii “waxaan heli karaa xildhibaano, waxaan dhisi karaa isbahaysi, waxaan leeyahay xiriirro gudaha iyo dibadda ah.”
Qaar badan oo ka tirsanaa jiilkii siyaasadda ku soo galay burburkii waxaa ku adkaatay inay xaqiiqadaas aqbalaan. Waxay weli ku ciyaarayeen garoon hore, iyadoo ciyaartu is beddeshay.
2017: Siyaasaddu waxay noqotay tartan isbahaysi
Doorashadii 2016–2017 waxay mar kale soo saartay wejigii labaad ee isbeddelka. Doorashada baarlamaanku waxay ku dhacday nidaam dadban oo ergooyin ay soo xulayeen xildhibaannada, kaddibna Baarlamaanka cusub uu 8-dii Febraayo 2017 Madaxweyne doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Markan siyaasiga guuleysanaya wuxuu u baahnaa wax ka badan magaca qabiilkiisa ama taariikhdiisa. Wuxuu u baahnaa olole, dhaqaale, koox abaabulan, fariin siyaasadeed, muuqaal warbaahineed iyo awood uu ku dhex maro xisaabta murugsan ee xildhibaannada iyo isbahaysiyada.
Waxaa soo baxay jiil fahmay in siyaasaddu aysan ahayn oo keliya “yaa ku yaqaan?” balse ay sidoo kale tahay “yaa ku rumaysan, yaa kula heshiin kara, yaase kuu codeyn kara marka albaabka la xiro?”
Markale waxaa gees uga baxay siyaasiyiin waaweyn oo muddo dheer magacyadoodu miiska saarnaayeen. Ma ahayn in khibraddoodii meesha ka baxday. Waxaa meesha ka sii baxayay qaabkii ay khibraddaas u adeegsan jireen.
Doorashadii 2022 waxay soo bandhigtay cashar kale. Soomaaliya weli waxay ku jirtay nidaamka doorashada dadban, Baarlamaanka ayaana 15-kii May 2022 Xasan Sheekh Maxamuud mar kale Madaxweyne u doortay, isagoo wareegga ugu dambeeya kaga adkaaday Madaxweynihii xilka hayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Laakiin markan siyaasadda waxaa sii xoogaystay arrimo kale: dowlad-goboleedyada, isku-xirka xildhibaannada labada aqal, dhaqaalaha ololaha, warbaahinta, baraha bulshada iyo awoodda lagu dhiso xulufo muddo gaaban gudaheed.