Jigjiga (Dawan) – Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa si rasmi ah u saxiixday heshiis lagu dhisayo xarun daryeel oo u gaar ah hooyada iyo dhallaanka oo laga hirgelinayo magaalada Fiiq, taas oo la sheegay inay tahay mashruuc ku kacaya $1.390 milyan.
Heshiiska mashruucan, waxaa kala saxiixday Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS, Dr. Muuse Axmed Ibraahim, iyo maareeye ku-xigeenka Shirkadda Dhismaha, Cabdi Maxamed Gama’adiid.
Mashruucan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta adeegyada caafimaadka ee magaalada Fiiq, gaar ahaan daryeelka hooyada iyo dhallaanka. Xarunta cusub ayaa la filayaa inay wax ka qabato baahiyaha caafimaad ee ka jira magaalada iyo deegaannada ku xeeran.
Xafiiska Caafimaadka ayaa sheegay in xaruntan ay door muhiim ah ka qaadan doonto sare u qaadista tayada adeegyada caafimaadka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo hooyooyinka, carruurta iyo dhallaanka u baahan adeegyo caafimaad oo joogto ah.


