Gaalkacyo (Dawan ) – Qalabka diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo kaararka codbixinta ayaa shalay la gaarsiiyay magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, iyadoo maamulka iyo guddiga doorashooyinka ay dardar gelinayaan diyaar garowga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay dhowaan ka bilaabmaan gobolka.
Mas’uuliyiinta guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha qaranka ayaa sheegay in agabkan uu qeyb ka yahay qorshaha lagu hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, taasoo muddo dheer laga sugayay dalka, islamarkaana kaararkan loo diyaariyay shacabka ku nool Gaalkacyo iyo deegaanada kale ee gobolka Mudug si ay uga qeyb qaataan doorashada.
Mahad Xasan Warsame, oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ee gobolka Mudug, ayaa tilmaamay in imaatinka qalabkan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in shacabka si toos ah u doortaan wakiilladooda. “Maanta waa maalin muhiim ah, waxaana sharaf noo ah in qalabka codbixinta iyo kaararka la gaarsiiyo gobolka Mudug. Waxaan ugu baaqeynaa shacabka inay u diyaar garoobaan doorashooyinka,” ayuu yiri.


