Muqdisho (Dawan) — Sumaya Xasan Abshir iyo Balqissa Maxamed Cumar Maxamed ayaa kala galay kaalmaha koowaad iyo labaad ee Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, iyadoo gabdhuhu sanadkan qabsadeen labada boos ee ugu sarreeya natiijooyinka imtixaanka.
Sumaya Xasan Abshir, oo wax ka barata Dugsiga Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda, ayaa noqotay ardayadda ugu sarreysa imtixaanka, kaddib markii ay heshay celcelis dhan 96.88 boqolkiiba.
Kaalinta labaad waxaa gashay Balqiisa Maxamed Cumar Maxamed oo ka tirsan Dugsiga Geerle ee degmada Dayniile, iyadoo heshay 96.25 boqolkiiba. Kaalinta saddexaad waxaa galay Axmad Cabdi Naasir Cabdullaahi, oo dhigta Dugsiga Al-Basa'ir Al-Mithaliyah ee degmada Dayniile, kaas oo helay 95.88 boqolkiiba, sida uu sheegay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir.
Natiijooyinka la shaaciyay maanta oo Axad ah ayaa muujinaya in 44,017 arday ay ku baaseen imtixaanka, kuwaas oo ka mid ahaa 45,452 arday oo u fariistay, taasoo heerka guud ee guusha ka dhigaysa qiyaastii 96.8 boqolkiiba.
Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cali Maxamed, ayaa sheegay in 1,435 arday ay ku dhaceen imtixaanka, taasoo u dhiganta 3.2 boqolkiiba tirada guud ee ardaydii u fariisatay imtixaanka.