Galmudug (Dawan)- Codbixiyeyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa maanta, Arbaco 30-ka Sebtembar, u dareeray doorashooyin iska sidkan ee lagu dooranayo xubnaha Golayaasha Deegaanka iyo Golayaasha Wakiillada ee dowlad-goboleedyada, sida uu dhigayo jadwalka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS).
Guddoomiyaha Doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan, oo ku sugan Dhuusamareeb, ayaa sheegay in doorashadu ka furantay 11 degmo oo Galmudug ah iyo 10 degmo oo Hirshabeelle ah.
Doorashooyinkan ayaa qeyb ka ah hannaanka qof iyo cod ee Soomaaliya, kaas oo muwaadiniinta u oggolaanaya inay si toos ah ugu codeeyaan wakiilladooda.
Doorashooyinka oo saaka subaxnimadii bilaabmay ayaa lagu wadaa in la soo gabangabeeyo caawa maqribadii .
Maxaa loo codeynayaa?
Codbixintu waxay ku saabsan tahay laba doorasho oo isku sidkan oo kala ah Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee dowlad-goboleedka.
Golayaasha Deegaanka waxay ka shaqeeyaan heerka degmooyinka, halka Golaha Wakiilladu yahay hay’adda sharci-dejinta ee dowlad-goboleedka kuwaas oo ugu damyb dooranaya hoggaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka dowlad-goboleedka.
Maxay la gaar tahay doorashada Galmudug?
Galmudug waxaa laga qabanayaa doorasho ku-celis ah. Doorashadii hore ee Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Galmudug ayaa dhacday 30-kii July, balse Maxkamadda Sare ayaa 24-kii Agoosto laashay natiijooyinkii doorashada, iyadoo guddiga doorashooyinka ku amartay in doorashada dib loo qabto.
Guddiga Doorashooyinka ayaa markii dambe soo saaray jadwal cusub oo 30-ka Sebtembar dhigaya maalinta codbixinta.
Doorashadii July, Guddigu wuxuu sheegay in 270,737 qof ay iska diiwaangeliyeen codbixinta Galmudug.
Maxaa ka dhacaya Hirshabeelle?
Hirshabeelle ayaa markii ugu horreysay qabanaysa doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada. Doorashada ayaa markii hore loo qorsheeyay 20-kii Agoosto, balse Guddiga ayaa dib u dhigtay, wuxuuna sheegay in diiwaangelinta cod-bixiyeyaashu ay ka socotay afar degmo oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Jadwalka cusub ayaa doorashada u raray 30-ka Sebtembar.