Antalya (Dawan)– Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada adeegyada bulshada iyo siyaasadaha ilaalinta qoyska, sida ay Jimcihii sheegtay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya.
Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Antalya, iyadoo munaasabadda saxiixa ay ka dhacday kulan barbar socday shirka cimilada ee COP31. Waxaa kala saxiixday Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo Wasiirka Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Turkiga, Mahinur Özdemir Göktaş, sida ay wasaaraddu sheegtay.
Heshiisku wuxuu daboolayaa is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha la xiriira adeegyada bulshada iyo ilaalinta qoyska, dhowrista xuquuqda haweenka iyo carruurta, ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, iyo ka ilaalinta carruurta khataraha internetka. Waxa kale oo uu xoogga saarayaa horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada, daryeelka iyo baxnaaninta dadka naafada ah iyo dadka waayeelka ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay iska kaashadaan qabashada tababarrada, shirarka iyo siminaarrada, iyo is-weydaarsiga khubarada si kor loogu qaado aqoonta iyo tayada adeegyada bulshada.