Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Isgaarsiinta Jabuuti, Maxamed Cabdulqaadir Muuse Helem, ayaa magaalada Dooxa kulan laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Qatar, Mohammed bin Ali bin Mohammed Al Mannai, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda dhijitaalka ah.
Wada-hadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta xarumaha kaydinta iyo maareynta xogta (Data Centers), kobcinta awoodda shaqaalaha iyo ballaarinta adeegyada isgaarsiinta.
Labada wasiir ayaa sidoo kale dib u eegay heerka uu marayo iskaashiga Jabuuti iyo Qatar, iyagoo ka wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo wada-shaqeynta iyo hirgelinta mashaariic wadajir ah mustaqbalka.
Wasiirka Isgaarsiinta Jabuuti ayaa booqasho shaqo ku joogay caasimadda Qatar, halkaas oo uu kaga qaybgalayay Shirweynaha Awoodda Go'aan-qaadashada ee Ururka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta (ITU), kaas oo Isniintii ka furmay magaalada Dooxa.