Pretoria (Dawan) – Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa Jimcihii waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalkaas, Aadan Isxaaq Cali, munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Pretoria.
Danjire Aadan ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo horumarinta iskaashiga labada dal, si loo xaqiijiyo danahooda wadajirka ah. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu mudnaan gaar ah siin doono la socodka xaaladaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, iyo horumarinta adeegyada ay ka helaan safaaradda.
Safiirka ayaa xilka la wareegaya kadib markii safaaradda uu muddo sii-haye ka ahaa Ismaaciil Cabdalla Soomane. Safiirkii ka horreeyay ayaa ahaa Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.