Muqdisho (Dawan)– Dowladda Soomaaliya ayaa diidday dhaleeceyn uga timid khubarada xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo cambaareeyay xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyadoo ku doodday in go'aanka maxkamadda ee ku saabsanaa dhammaadka muddo-xileedka madaxweynaha uusan lahayn wax saameyn sharci ah.
Laba khabiir oo madax-bannaan oo QM u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka, Margaret Satterthwaite iyo Ben Saul, ayaa 12-kii Nofeembar bayaan ay soo saareen ku sheegay in xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, oo lagu sameeyay digreeto madaxweyne 4-tii Nofeembar, ay ahayd mid sharci-darro ah. Waxay sidoo kale ku baaqeen in xilka dib loogu celiyo.
“Waxaan si adag u cambaareynaynaa faragelintan cad ee lagu sameeyay madaxbannaanida garsoorka, Xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo hal dhinac laga go'aamiyay, laguna fuliyay digreeto madaxweyne, ma aysan waafaqsanayn habraacyada dastuuriga ah, oo ay ku jiraan oggolaanshaha Baarlamaanka ama soo jeedin ka timaadda Guddiga Adeegga Garsoorka.” ayay yiraahdeen khubaradu.
Khubaradu waxay sidoo kale sheegeen in dowladda ay boqollaal askari oo ka tirsan ciidamada amniga geysay Maxkamadda Sare, si ay “u carqaladeeyaan una cabsi geliyaan maxkamadda”. Waxay intaas ku dareen in toddoba garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare laga qaaday ilaalintoodii gaarka ahayd, isla markaana laga mamnuucay safarka. Waxay ciidamada amniga ugu baaqeen inay “dib uga gurtaan”.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa sheegtay inay si dhab ah u tixgelinayso walaacyada la soo bandhigay, isla markaana ay ka go'an tahay ilaalinta madaxbannaanida garsoorka iyo ku dhaqanka sharciga. Hase yeeshee, waxay khubarada ku eedeysay inaysan dowladda kala tashan ka hor inta aysan bayaankooda soo saarin.