Salzburg (Dawan) – Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa loo magacaabay inuu dhexdhexaadiyo kulanka UEFA Super Cup 2026 ee dhex mari doona kooxaha Paris Saint-Germain iyo Aston Villa, kaas oo lagu qaban doono magaalada Salzburg ee dalka Austria, sida ay maanta oo Khamiis ah shaacisay UEFA.
Kulanka ayaa la qorsheeyay inuu qabsoomo 12-ka Agoosto, waxaana isaga hor iman doona kooxda ku guuleysatay UEFA Champions League ee Paris Saint-Germain iyo kooxda ku guuleysatay UEFA Europa League ee Aston Villa.
UEFA ayaa sheegtay in magacaabista Cartan ay ka dhalatay wada-hadallo ay la yeelatay Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), iyada oo laga amba qaadayo heshiis iskaashi oo dhowaan dhexmaray labada dhinac, kaas oo lagu horumarinayo wada-shaqeynta dhinacyo kala duwan oo ay ku jirto garsoorka kubadda cagta.
Cartan oo 34 jir ah ayaa tan iyo sanadkii 2018 ku jiray liiska garsoorayaasha caalamiga ah ee FIFA, isagoo sanadkii 2025 ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu wanaagsan ee Africa, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah garsoorayaasha ugu sumcadda badan qaaradda Afrika.
UEFA waxay xustay in Cartan uu garsooray kulamo waaweyn oo heer sare ah, waxaana ka mid ahaa lugtii labaad ee ciyaartii kama dambaysta ahayd ee CAF Champions League xilli ciyaareedkii 2025/2026.
Inkasta oo FIFA ay ku dartay liiska garsoorayaasha Koobka Adduunka 2026, haddana Cartan ma uusan awoodin inuu ka qeyb galo tartanka kaddib markii loo diiday gelitaanka Mareykanka, taas oo ka hor istaagtay inuu guto waajibaadkii loo igmaday.